https://youtu.be/CFKOlYILLX0
Afduub ka dhacay Magalada Boosaaso oo xiisad ka abuurey Guud ahaan Buntlandh.
Beesha kuumade oo kamid ah Beelaha Darood ayaa waxaa ay sikuluul ugu hadashey nin ka soo jeeda Beeshaasi oo dhawaan laga afduubtey magaalada boosaaso ee xaruunta dhaqaalaha mamulka Bunland waxaana arintaani ka hadley Suldaan jaamac, Xasan, xildhibaan xirow ciidle, Aadan cabdullahi, ugaas cabdulaahi siraad cabdi, nabadoon cabdullahi fooley.
Qadar caydiid oogle oo ah dhibanaha lagu afduubtey gudaha magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari waxaana wali soconeya baadi goobka sidii lagu soo bad baadin lahaa ganacsade Qadar, waxaana jira in kooxda uu, u afduubanyahay ay marar badan la xiriireen qoyska Ganacsadaha walow ay sheegteen lacago aad u badan.
Ugaasyada Beesha Kuumade qaarkood ayaa waxaa ay codsi udireen madaxda ugu sareysa maamulka Buntland sigaar ah Siciid Cabdullahi Dani iyo Isimada Guud ahgaan Buntland gar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobalka Bari, in kabadan 10 maalin ayuu maqan yahay Qadar caydiid waxaana odayaashu ay sheegeen in ninkaasi laga afduubtey gudaha magaalada Boosaaso.
Qadar ayaa ah qof ganacsigiisu uu u dhexeeyo Dowlad Deegaanka Soomaali Galbeed iyo Maamulka Buntladh waana markii ugu horeysey oo ay arintaani ay ka dhacdo Gobalka Bari sanadihii Dambe walow mararka qaar ay jirikaraan dhacdooyiin lamid ah tan maanta taagan, majiraan masuuliyiin ka tirsan kuwa Buntladh oo arintaani ka hadley.
Waxaa arintaani siwewyn ugu dhiidhiyey guud ahaan Cuqaash, siyaasiyiinta iyo Aqoonyahadan Reer Kuumade waxaanse la ogeyn qabka ay arintaani ugu jawaabi doonaan madaxda maamulka Buntlandh iyo Cuqaasha Guud ahaan Gobalka Bari kuwaas oo iyagu ay arintaani si toos ah u saameyneyso.