Home Afsomali Muuqaal dhameystiran bolice ka iyo waalidkii dhalay oo beeniyey gabdho mudo ka...

Muuqaal dhameystiran bolice ka iyo waalidkii dhalay oo beeniyey gabdho mudo ka maqnaa in Afduub loo heystay

Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay in la afduubtay labo gabdhood oo walaalo ah oo horey saxaafadda looga shaaciyay in la afduubtay xilli habeen ah iyagoo ka maqan gurigooda.

Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in gabdhahaan ay abaabuleen qorshe ah in la afduubtay, si ay uga badbaadaan cannaanta waalidkooda, kadib markii ay hoygooda kasoo daaheen habeen.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Aabbaha dhalay gabdhahan uu Booliiska u xaqiijiyay in gabdhihiisa ay u sheegeen cabsi ay ka qabeen inuu garaaca ay gurigooda uga maqnaayeen, iyagoo soo wacay una sheegay in la afduubtay. Balse ay taasi ahayd mid been ah.

“Gabdhaha Aabbahood waa macallin dugsi qur’aan. Waad dareemi kartaan inuu garaacayo haddii ay gurigooda kasoo daahaan. Marka waxaan halkaan ka sheegaynaa inaanu jirin wax afduub ah oo lagu sameeyay gabdhaha. Booliiskuna aad ayuu kiiskaan uga howlgalay,” ayuu yiri afhayeenka Booliiska.

Maalmo ka hor ayaa warbaahinta laga sii daayay wareysi laga qaaday gabdhahaan, kuwaas oo sheegay in sanka wax loo mariyay oo la afduubtay, hase ahaatee, markii dambe iyaga ayaa gurigooda lugahooda ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.