Home Afsomali Muuqaal dhanmeystiran Milkiilayaasha dhaxaltooyada goofka reer xaaji gacal ee xerada Bangala degmada...

Muuqaal dhanmeystiran Milkiilayaasha dhaxaltooyada goofka reer xaaji gacal ee xerada Bangala degmada Deyniile oo Xildhibaan jafac iyo sasnator dhegdheer uga mahadceliyey ay Xildhibaanada u xaliyeen tabashada ay qabeen goofleydaan dhulkooda mudada ka maqna

Milkiilayaasha dhaxaltooyada goofka reer xaaji gacal ee xerada Bangala degmada Deyniile oo shir Jaraa’id ku qabtay gudaha xerada ayaa taageero u muujiyey sanator Cabdi axmed dhuxulow dhadheer iyo sidoo kale xildhibaan Maxamed abuukar jacfar iyagoona ka raali galiyey hadalo gef iyo meelka dhac ku ahaa oo ka soo yeeray qaar ka mid ah dadka deegaanka
Waxayna ka soo jeesteen dhaxaltooyada reer xaaji gacal hadal horey uga ka soo yeeray odoyaal sheegay in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay boobeen dhul goof ah oo bannaanka ka ahaa xerada Bangala oo ay ku jirto goofkadhaxal tooyada Xaaji Gacal.

Milkiilayaasha ama Goorfleyda Dhaxaltooyada Reer Xaaji gacal ayaa sheegay in Xildhibaan Jacfar iyo Senetor cabdi Axmed dhuxulow Dhagdheer soo dhaweyn ka sokow ugu mahadcelinayeen in ay soo dhiciyeen sharciyada dhulkaan oo laga saaray danta guud loona soo celiyay milkiiyadiisa qoyskii lahaa.

Waxa ay shegeen in ay ku qanacsanyihiin Noola oostada DF looga keenay taas oo u dhiganta in boqolkiiba 50 ay ka qaataan.

Dhinaca kale qoyska reer Xaaji Gacal ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ka raaligalinayaan wixii aflagaado loogu geystay magaca reer Xaaji Gacal oo aysan ahayn mid qoysku raali ka wadayahay.

Suldaan Xasan Axmed Sabriye ayaa soo dhaweeyay nidaamka ay Xildhibaanada u xaliyeen tabashada ay qabeen goofleydaan dhulkooda mudada ka maqna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.