Home Afsomali Muuqaal Dowladda soomaaliya oo sheegtay in uu Bilowday Soo Samata bixinta Soomaalida...

Muuqaal Dowladda soomaaliya oo sheegtay in uu Bilowday Soo Samata bixinta Soomaalida ku Go’doonsan dalka Suudaan.

Dowladda soomaaliya oo sheegtay in uu Bilowday Soo Samata bixinta Soomaalida ku Go’doonsan dalka Suudaan.

Shir ay isugu yimaadeen agaasimayaasha waaxyah wasaarada arimaha dibada Ee dowlada fadaraalka Somaliya ayaa lagu lafa guray xaalada ardayda iyo kale e e muwaadiniinta Somaliyeed gaar ahaan kuwooda ku go.doonsan dalka dagaalada ka socdaan ee suudaan kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay noloshada dadyowga kala duwan ee ku sugan gudaha dalkaasi .

Shirka waxaa shirgudoomiyey ku sidamha Xooghaayaha Joogtada ee wasaarada ariamah dibada Somalia Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari waxaana ka qeybgalay agaasimayaasha waaxyaha wasaarada oo uu ka mid ahaa agaasimaha Machadka diblimaasiyada iyo tababarada wasaarada arimaha dibada somaliya cabdiweli Xusein Xasan .

Dhan kale waxaa weli si habsami leh u socdo  samata bixinta shacabka Suudaan ku go.doonsan waxayna ka gudbeen xuduudaha dalalka Ethiopia iyo south sudan waxaana tirade Somalida halkaasi laga badbaadiyey iyo howlaha gurmadka dowladu hakaa ka wado iyo dadaalada dowlada Somalia warbaahinta la wadaagay Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari ku simaha xooghaayaha Joogtada ee wasaarada ariamah dibada Somalia isaga oo ganacsatada Somaliyeed iyo shirkadaha ugu baaqay in ay gacan lixaadleh ka geystaan gurmadka dadkaasi lagu samata bixinayo

Raage Cismaan ow muuse agaasimaha waaxda dalalka carabta ee wasaaraad arimaha dibada iyo sido kale agaasimaha waaxda jaaliyadaha iyo qurba joogta wasaarada ariamah dibada ibraahim guure maxamed ayaa ugu baaqay somalida Dagta dalka Suudaan si  deg deg ah ku gaaraan xarunta safaraa Somaliyeed si ay halkaasi gurmad iyo daadgurey ugu helaan waxaana ay ka hadleen dagaalada ka jsocda dalka suudaan

Dowlada Somalia ayaa wada dadaal ay dadkeeda  ku go.doonsan ugu soo daadgureyneyso dalkaasi suudaan si la mid wadamada caalamka oo muwaadiniintooda kala baxayo dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.