Home Afsomali Muuqaal Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diiran loogu...

Muuqaal Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb gali doona munaasabadda sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), isla markaana la qaadan doonna Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kulamo lagu dardargelinayo hannaanka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Bulshada Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Sidoo kale, wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Baydhabo u kuurgeli doonna xaaladda abaaraha ku dhuftan deegaanka, si qiimeyn loogu sameeyo, maadaama ay Koonfur Galbeed kamid tahay meelaha ay sida daran u saameysay abaarta ku dhufatay qaar kamid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.