Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla markaana ay isku beel yihiin Macallinkii dhowaan lagu dhex dilay Iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ayaa si adag uga hadlay falkaasi argagaxa leh.
Xildhibaanka ayaa beesha uu kasoo jeedo ee Baadicadde ugu baaqay inay jawaab ka bixiso falka lagu dilay Macallinka, isaga oo ka dalbaday inay u dilaan wiil kale, sida uu hadalka u dhigay.
“Beesha aan ka dhashay ee laga dilay Macallinka lagama laandheereysno Macallinka la dilay wiil ha u dilaan, xittaa walaalkii haloo dilo” ayuu iri Xildhibana Khaliif.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eedeysanaha dilka gaystay uu u baxsaday dhanka gobolka Shabeelaha Dhexe, ayna ka war hayaan dhaq-dhaqaaqiisa.
“Waxaan maqalnay inuu ka baxsaday iskuulka, una baxsaday gobolka Shabeelaha Dhexe, waana rajeynayaa in lasoo qabto” ayuu kusii daray.