Home Afsomali Muuse Biixi Cabdi oo ugu danbeyntii ka mahadceliyey gurmadka Lacagtii la gaarsiiyey...

Muuse Biixi Cabdi oo ugu danbeyntii ka mahadceliyey gurmadka Lacagtii la gaarsiiyey Somaliland

Madaxweynaha Somaliland oo madaxda sare ee dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey Gurmadkii ay u sameeyeen walaalahood Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan ka sheegay kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag gaareysa 8-Milyan oo Doollar ayaa wuxuu ugu mahadnaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble .

Waxaa uu  sheegay iney khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii qabsatay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa ugu weyne magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka in Lacag usoo dirtay, wuxuuna uga mahad-celiyey dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Ganacsatada gurmadkii ay u sameeyee walaalahood Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.