Home Afsomali Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington, kana hadlay Ictiraafka...

Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington, kana hadlay Ictiraafka ka raagey Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maanta Khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington University ayaa uu kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya xiriirka caalamiga ah ee Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhexeeya iyo dedaalada horumarineed ee ka socda.

Muuse Biixi ayaa markii uu dhameeyey khudbadiisa su’aalo la xiriira arrimaha Somaliland halkaa ku waydiiyey ardayda dhigata Jaamacadda qaar ka mida oo fursad u helay inay madaxweynaha waydiiyaan, isna uu uga jawaabo su’aalihii ay qabeen.

Madaxweynuhu wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal bogcad istaraataji ah kaga taalla gobolka Geeska Afrika iyo gacanka cadmeed. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray dib u dhiska dalku uu Jamhuuriyadda Somaliland ku qaatay muddo 33 sannadood ah inay soo gaadho heerka maanta ay ku naalloonayso oo ay caalamka u soo bandhigtay inay iskeed is-bixisay aqoonsi la’aan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland leedahay Xukuumad, laba aqal oo baarlamaan oo la soo doortay, isla markaana ay dalka ka dhaceen 22-kii sannadood ee la soo dhaafay lix doorasho oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ahi.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto xasilooni cago-adag ku taagan, waxaanu ka hadlay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa 2008 iyo dilkii Macalimiintii Ingiriiska ahaa lagu khaarajiyey Dugsiga Sheekh Sannadkii 2004-tii, waxaanu tilmaamay in muddadii intaas ka dambeysay ay Somaliland xuduudaheeda beriga iyo baddaba ay ka fogaysay kooxaha argagixisada iyo budhcad-baddeedda halista ku haysa gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.