Home Afsomali Muuse Biixi oo soo dhaweeyey  Ergayga Madaxweyne Xasan u Magacaabay Wadahadalada Somaliland

Muuse Biixi oo soo dhaweeyey  Ergayga Madaxweyne Xasan u Magacaabay Wadahadalada Somaliland

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo  ka hadlay munaasabad ka dhacday qasriga madaxtooyada ayaa soo dhaweeyay ergayga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo magacaabay wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Muuse Biixi ayaa tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya qaaday tallaabo muhiim ah, waxa uuna tilmaamay in ergayga loo soo magacaabay wadahadalada ee Cabdikariin Xuseen Guuleed uu yahay waaya-arag aqoon u leh howsha loo igmaday.

“Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha maamulka Somaliland  Muuse ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in dib loo bilaabo wadahadaladii hakadka galay ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland .

Previous articleSomaliland oo War cusub kasoo saartay dagaalka Magaalada Laas-Caanood
Next articleOdayaasha SSC oo War kasoo saaray Ergayga loo Magacaabay Wadahadalada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.