Home Afsomali Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfr Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfr Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Maanta gudaha dalkaas waxaa ay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka Ganacsi ahaan u tegay dalkaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed o lagu Magacaabi jiray Cabdi Sheekh Maxamed ayaa kooxaha Burcadda ah ee toogteen, isaga oo Gaari rooto ku iibinayo, xilli uu ku sugnaa Xaafadda Wesbank oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Mid kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in Kooxaha dilka u geystay Muwaadinka Soomaaliyeed aysan wax dhac ah u geysan balse kaliya ay toogteen kadibna goobta isaga tageen.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen Kooxihii dilka geytay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba lagu dilaa dhalinyaro Soomaaliyeed, waxaana sanadkaan 2021 aad u kordhay dilalka loo geysanayo Soomaalida, iyada oo dowladaha Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ay ka aamusan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.