Home Afsomali Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Maraykanka

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Maraykanka

Allaha u Naxariistee Cali Ismaaciil oo aaha Soomaali 36 sano jir ahaa ayaa lagu dilay magaalladda Arlington ee Gobalka Texas ee dalkaasi, sida ay Booliska sheegeen., isaga oo sidoo kale ahaa AAbo heysta 7 Carruur ah.

Tooashada ayaa waxaa ay sigaar ah uga  dhacday  Waddada Prentice Street oo ku dhow Jidka South Collins Street ee isla magaallada Arlington, isaga oo ku geeriyooday isla Goobta.

 

 

Saraakiisha Booliska markii ay tageen goobta, waxay arkeen Dhibane ay ku yaallaan rasaas oo ku dhex jira Gaarigiisa, kaasi oo la aqoonsaday inuu ahaa Marxuum Cali Ismaaciil oo 36 jir ah.

Baarayaasha Booliska ku hawlan Kiiska Dilkiisa, waxay sheegeen in Marxumka  lagu dhex toogtay Gaarigiisa, xilli uu Shaqadiiaa ka soo laabtay, kuna soo socday Gurigiisa.

Baarayaasha waxay Xuseen inay Marxuumka toogteen 2 Nin oo hubeysan, kuwaasi oo doonayey inay jabsadaan gaadiid yaallay barxadda ay dadka deriska dhigayaan Gaadiidkooda.

Labada Eedeyaane ee toogtay Muwaadinka Soomaalida waxaa la sheegay inay u carareen dhanka  Bari ee Waddada Prentice Street.

Dhanka kale, Booliska ayaa helay  Muuqaal Video ay duubtay Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV oo caddayn u ah qaabkii ay dableyda u jabsan lahaayeen Gaadiidka yaalla barxadda u gaarka ah dadka deriska.

Mid ka mid Muuqaalada oo Kameeradda CCTV duubtay waxa uu muujiyey Nin isku dayey inuu jabsado gaari yaallay Barxadda dadka uu Marxuumka Cali Ismaaciil deriska la ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.