Home Afsomali Muwaadiniinta 8 Waddan oo somali ku jirto ayaa looga mamnuucayo inay soo...

Muwaadiniinta 8 Waddan oo somali ku jirto ayaa looga mamnuucayo inay soo galaan Maraykanka

Madaxweyne Donald Trump waxa uu shalay saxiixay Amar Muwaadiniinta 8 Waddan looga mamnuucayo inay soo galaan Maraykanka, kuwaasi oo kala ah Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Chad, Iran iyo Waqooyiga Kuurya

Xayiraadaasi ayaa lagu bedelay Amarkii hore, wuxuuna Sharcigan cusub dhaqan geli doona bisha soo socota ee October 18-da.

Dalka Sudan oo keliya ayaa  la sheegay inuusan ka sii mid ahaan doonin dalalka uu Madaxweyne Trump saaray Xayiraadda dhinaca Socdaalka.

Xayiraadda cusub ee Socdaalka waxaa kaloo  lagu hakiyey dhamaan Fiisaha dadka Qaxootiga ee u kala dhashay dalalka Somalia, Syria, Yemen, Chad, Libya, Iran iyo Waqooyiga Kuurya.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay bisha soo socoto dib-u-eegis ku sameeyaan Sharciga Cusub ee uu Madaxweyne Trump xayiraadda dhanka Socdaalka ugu soo rogay 8 waddan

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.