Home Afsomali Muxuu C/weli Gaas ka yiri tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada PUNTLAND?

Muxuu C/weli Gaas ka yiri tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada PUNTLAND?

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka falceliyay tallaabadii ay Khamiistii qaadeen xubnaha golaha wasiirada Puntland oo ansixiyay in wax ka beddal lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi, xilli la’isku diyaarinayo doorashada guud.

Golaha ayaa isku raacay in xisbiyada siyaasadda Puntland laga dhigo shan xisbi, halka ay markii hore ahayd saddex xisbi, ayada oo loo sii gudbiyay Baarlamanka, si uu u ansixiyo.

Cabdiweli Gaas oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay dhib weyn u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland oo ah hooyada federaalka Soomaaliya.

“Aniga waxaan u arkaa arrintaas inay tahay arrin dhib u keeneyso xasiloonida siyaasadeed ee Puntland. Waxaan kale noo u arkaa amniga iyo midnimada Puntland-na dhaawici karta,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Dastuurka shaqsi ah looma furi karo, dan caam ah uubnaa loo furi karaa,”.

Dhanka kale Cabdiweli Gaas ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Saciid Deni, waxaana uu tilmaamay in damaciisa shaqsiga uu yahay mid xad dhaaf ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu xusay inuu sida uu doono u isticmaalayo dastuurka, isaga oo mar-marsiiyo ka dhiganayo barnaamijka dimuquraadiyeynta, isla-markaana uu

“Waxaa moodaa madaxweynaha damaciisa siyaasiga ah nuu hadda xad dhaaf yahay inay kalifeyso Dastuurka sidii doono loo isticmaalo, ayada oo mar-marsiiyo laga dhiganayo barnaamijkan dimuquraadiyeynta,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdiweli Gaas.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay haatan sii xoogeysanayso xiisadda ka dhalatay damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland, kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi, kaas oo uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.