Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Abaaraha ee dhowaan uu Madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Wasaaradaha Gargaarka, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .
Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo qorshaha wax looga qabanayo laguna caawinayo dadka oo ay ka midtahay qabashada Shirweyne loogu qareemayo dadka abaartu saameysay.
Madaxweynaha ayaa Xubnaha Guddiga uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan waxka qabashada Abaaraha, isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan.