Home Afsomali Muxuu Yahay Dhambaalka Laga Siday Madaxweyne Xasan Sheekh Ee La Gaarsiiyay Amiirka...

Muxuu Yahay Dhambaalka Laga Siday Madaxweyne Xasan Sheekh Ee La Gaarsiiyay Amiirka Qatar?

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Amiirka Qatar.

Ergeyga oo casuumad rasmi ah ku tegay dalka Qatar maalintii shalay ayaa maanta kulan la qaatay wasaaradda Arrimaha debedda, isaga oo u gudbiyay dhambaal qoraal ah oo uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud kaas oo ku aaddanaa sidii Dowladda Qatar uga qeybqaadan lahayd gurmadka Abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Ergeyga ayaa ka sokoow dhambaalka uu gudbiyay waxa uu si faahfaahsan uga warramay Amiirka xaaladda daran ee ka dhalatay abaarta ka taagan waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.