Home Afsomali MW Xasan Sheekh O Goordhaw Furidoona Shirweynaha Dib U Heshiisiinta KGS

MW Xasan Sheekh O Goordhaw Furidoona Shirweynaha Dib U Heshiisiinta KGS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo maalintii labaad ku sugan Magaalada Baydhaba ee Xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku howlan sidii uu hannaan loo wada dhanyahay ugu furmilahaa Shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa goordhow furidoona Shirkan oo ay ka qayb galidoonaan Madaxda sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta, wax garadka iyo qaybaha bulshada deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyah Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulamo kala duwan la qaatay ka qayb galayaasha Shirkan oo ay ku adkeeyeen muhiimad deegaanka iyo dalkaba u leeyahay qabsoomidda Shirkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.