Home Afsomali MW Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyada Dhaqanka Dib U Heshiisiinta...

MW Xasan Sheekh Oo Warbixin Ka Dhageystay Guddiyada Dhaqanka Dib U Heshiisiinta Koofur-Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka inta aanu ka soo ambabixin magaalada Baydhabo waxa uu kulan la qaatay golaha odayaasha dhaqanka iyo guddiga farsamadda shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed, kuwaas oo wadajir ah ugu wareejiyay warbixin ay kasoo uruuriyeen dhacdadii 23 Diseembar 2022, ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay miro-dhalka wada-hadallada ka socda magaalada Baydhabo, waxa uuna kula dardaarmay guddiga farsamada ee shirka iyo odayaasha dhaqanka in ay masuuliyad iska saaraan sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka ay qabaan dhinacyada gogosha fadhiya, shirkuna u guuleysan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo intii uu ku sugnaa magaalada Baydhabo kulamo la yeeshay culimada, odayaasha dhaqanka, siyaasiinta iyo qeybaha bulshada Koonfur-galbeed ayaa  ka codsaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin dib u heshiisiinta, nabadeynta

Previous articleCulimada Soomaaliyeed Oo Shir Ka Dhan Ah Shabaab Uga Furmayo Muqdisho
Next articleHay’adda Caafimaadka Aduunka Ee (WHO ) Oo Xukuumadda Ku Amaantay Xakamayntii Covid19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.