Home Afsomali Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa Waxgaradka kasoo jeeda Gobolka...

Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa Waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo goordhaweyd lagu toogtay magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dishay Oday Nabadoon ahaa.

 Dilkan ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada Hodon ee Gobolka Banaadir, kadib markii dabley hubeysaan ay rasaas ku fureen nin nabaddoon oo magaciisa lagu sheegay Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa Waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
 Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana gaaray ciidamada amniga oo baaritaan ka sameeya halkaasi, inkastoo aan la soo werin cid loo qabtay falka dilka ah.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyey saxaafadda in kooxaha ay baxsadeen marki ay toogashada geysteen, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan dowlada oo howlgallo sameeyay.

Nabadoonka la dilay ayaa kamid ahaa kuwa caanka ah ee laga yaqaan xaafada Suuq Bacaad, waxaana dilkiisa uu ahaa mid aad looga naxo. Sayid Cali

Falalka amaan xumadda ah ayaa kusoo badanaya Muqdisho iyadoo dilalka iyo qaraxyada ay noqdeen wax iska caadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.