Warsaxaafadeed
September 17, 2022
Baydhabo, Soomaaliya
Soomaaliya wa dal kasoo kabanaya xasilooni darro sanado badan ka jirtay. In kastoo horumar muuqda oo dhinacyo badan taabanaya la gaaray, haddana xasiloonida Soomaaliya weli caga badan kuma taagna, muwaadiniinta ay ka mid yihiin dumarka, dhalinyarada iyo dadka lahayb sooco na ma haystaan amni iyo garsoor laysku hallayn karo ama loo simanyahay. Sidaa darteed, waxaa la aaminsanyahay in amniga oo kor loo qaado, iyo arrimaha garsoorka oo la tayeeyo ay muhiimad gaar ah u leeyihiin aas aasida nabad waarta oo dalka ka hirgasha.
Daahfurka mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya ee maanta wuxuu bilow u yahay dadaal dheer oo ujeedkiisu yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si dhab ah talo ugu yeeshaan go’aamada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo amniga si loo helo hanaan iyo nidaam garsoor iyo amni oo ka tayo sarreeya kana cadaaladsan, suurta gelin karana isla xisaabtan.
Todobada sano ee nagusoo aadan, marshuuca Nabadgelinta Soomaaliya wuxuu taageero u fidin doonaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool degaanada mashruucu ka hawl galayo si ay u tilmaamaan una qodobeeyaan caqabadaha hortaagan in la helo amni iyo garsoor laysku hallayn karo, isla markaana ay si wadajir ah usoo jeediyaan xulusho ku haboon ee hay’daha adeega bulshada bixiyaa ay ku tayayn karaan korna ugu qaadi karaan adeeg wax tarleh oo abuura kalsooni shacab oo ku aadan nidaamka amniga iyo garsoorka baahsan.
Mashruuca Nabadgelita Soomaaliya wuxuu bilowgaba ka hawl geli doonaa degmooyin dhowr ah (laba degmo Dawlad Goboleedkiiba) oo ka mid ah degmooyinka labada Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland. Sida loo dooranayo degmooyinka hawlgalka
mashruuca Nabadgelinta Soomaaliya lagu bilaabayo waxay ku imaanaysaa ka baraandegid, qiimeyn, iyo wada-tashi lala yeeshoo hogaanka siyaased ee Dawladaha Federalka ee Jubaland iyo Koonfur Galbeed. Hawlgalka
mashruucu wuxuu gaari doona degmooyin kale oo ka tirsan isla labadaa Dawlad Goboleed. Xulushada degmooyinka mar walba waxaa lagu salayn doonaa wax ka barashada iyo khibradaha laga kororsaday shaqooyinka
bilowga ah ee laba, labada degmo laga qabtay, iyadoo isla markaana la eegayo in loo heli karo miisaaniyad shaqada lagu fuliyo.
Mashruuca waxaa fulin doona tiro hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah oo iskaashan doona, ayna ka mid yihiin: