Maqaalada Dhab ka hadal anaa ku furayo sudaan ee arimahaan aan bulshada u iftiimino
Dhib badan baa heysa Inta ku shaqeysata in ay masuul ama Xildhibaan u nacamleeyaan beena ugu hambalyeeyaan Xildhibaanada zaalkooda la og yahay .
Runtii waa howl ka dhib badan nacfiga ay ka helayaan waxaana hoos u dhacaya sumcadda ay bulshada dhaxdeeda ku leeyihiin .
Waxaana ay ku helaan inta badan darajo ciidan oo aysan u qalmin in ay dhacfadhiistaan lana howlgalaa cidamo sanado badan soo shaqeeynayey oo la yiri adigaa xukuma
Dhanka kale masuulka in la amaano oo wuxuusan aheyn lagu sheego ku bixinaya mansab qof ka midan uu joogo waa mid lagu qasaaray isne
Waxaan arkay oo aan la yaabay sarkaal ku sheeg masuul aan aqaano isaga oo masaajid galayo kabaha u qaaday ayaan mudo ka dib arkay isagoo kabtan ciidan ah .
Waxaan og soonahay nin Hotel ka shaqeeyo ayaa xildhibaankiisii u keenay darjada korneyd oo madaxweyne soo saxiixay kaasi oo cod looga iibsaday balse wiilmii yaraa waa iska diiday wuxuuna u sheegay in uu line qabo ku heysto shaqada maqaayada uu masuulka ka yahay .
walaale iska daa taageerada marin habaabhint ah iyo is muujinta aad u adeegsaneysid habka been hawaasnimada ah
Aan u kala qaadno sarkaal ciidan iyo sarkaal Beeleyd ma xishoode ah qabyaaladna ciidamada ugu mid ah
Sidoo kale waxaan arkay sarkaal wasiir gaarigiisa ilaalo ka ahaa isaga oo aan wax darajo ah laheyn ayaa hada ah taliye saldhig
Waxaan bulshada somaliyeed ugu baaqayaa si aan isu aamino in aan cidna qalad uu galay wanaag loogu bedelin
Anigu weli gudiyada doorashooyinka waxaan ku cambaareynayaa in aysan soo saarin Xildhibaan aan u hambalyeeyo ;sidaa daraadeed Xildhibaanaga baarlamaanka 11aad ee musuqa maalkooda iyo maxkaxdooda isku magacaabay in aan kitaabka quraan ka ah lagu dhaarin