Fahiimo quuje oo Muqdisho lagu gudoonsiiyey boorsooyin dahab iyo doolar ka buuxaan soo dhaweyn muqaamkedu sareeyane loogu qabtay xamar
waxaana lagu soo dhawaeeyey Baaqa nabda ee bariga burco looga dhawaaqay.
Fahiimo quuje oo Muqdisho lagu gudoonsiiyey boorsooyin dahab iyo doolar ka buuxaan waxaana lagu soo dhawaeeyey Baaqa nabda ee bariga burco looga dhawaaqay
Kulan qado sharaf ay sameeyeen gabdha habar giri laguna maamuusayey marwo fahiimo yuusuf Cabdilaahi quuje ayaa ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano siyaasiyiin bahda dhaqanka dalinyaro iyo haween
waxaana ay isku aragti ka noqdeen soo dhaweynta meeqaamkeedu sareeyey oo ay u sameeyeen fahiimo quuje
Nabadoon Cabdulaahi Cabdu Maxamed oo ka mid ahaa waxgaradkii munaasibada ka hadlay
Ayaa shirka furay wuxuuna faahfaahin ka bixiyey danta iyo ujeedka kulanka iyo ka soo qeybgalayaasha
1. Marwo muxubo Cabdulaahi samatar oo ku hadleysay magaca beesha habargir ayaa fahiima gudoonsiisay hadiyad qaali ah waxayna xustay in ay mudan tahay intaas iyo in ka badan
2. Marwo Ubax salad diiriye Fartuun rooble ula yare oo gobta ka hadlay ayaa fahiima u muujiyey kalsooni dheeraad ah waxayna ku tilaameen halgamaa geesi qaran ah iyagoo ka sheekeeyeen walaatinimada ka dhaxeysay dhinacyada galmudug iyo deegaanada ssc
Abwaan qadar xaaji ayaa suugaan ku cabiray qiimaha ay bulshada galmudug u leedahay halgamaa fahiima quuje
fahiimo ayaa ee dagaalada joogacade iyo laascaano dusha ka saartay MaaMuulka Muuse biixxi cabdi
waxayna sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay soo dhaweynta muqdisho loogu sameeyey waxayna xustay in ay gudoontay hadiyadihii qaaliga ahaa ee lagu maamuusay
4. nabadoon Cabdiwahid Cabdilahi Jamac oo ahaa macalinkii Fahiimo quuje ayaa isne dhankiisa soo dhaweeyey marti qaadka fahiimo quuje iyo hadiayadaha la gudoonsiiyey isagoo qiimeyn ku sameeyey joogitaanka famiimo ee magaalada Muqdisho
5.Iimaan Cabdulaahi khaliif rooble oo soo gunaadaday gogosha ayaa sheegay in qilaaf kasta oo jira lagu dhameyn karo somalinimo cid kasta ha ogaato u.n ka waxaan ku leenahay hal kursi iyo hal calan waana lagu qasban yahay in la hoostago ayaa hdalkiisii ku daray.