Talaabo Geesinimo leh “Hadii Itoobiya Hal talaabo dhankeena u soo qaado 3 iyo 4 Talaabo ayaan qaadaynaa”
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiy ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya.