Home Afsomali Nin camira sita oo ay bolice ku Muqdisho ku toogteen

Nin camira sita oo ay bolice ku Muqdisho ku toogteen

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey Nin ay sheegeen ii uu ka tirsanaa  Al-Shabaab oo ay Ciidanka toogteen kaddib markii ay shegeen in uu dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada.

Falkaan ayaa waxaa uu  ka dhacay  degaanka Garas baaleey ee duleedka Muqdisho gaar ahaan Xaafada Waaxda Saddexaad ee Geedi Firdhiye, iyada oo Booliska ay soo bandhigeen Bustooladii uu Askariga ku dilay iyo Camera uu watay.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Askariga la dilay xilli uu ku guda jiray howlihiisa Shaqo ee caadiga ah, isla markaana Ciidamada Booliska ee Goobta ka agdhawaa ay toogteen Ninka katirsan Al-Shabaab ee dilka geystay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay Ciidamada Booliska diyaar u yihiin inay markasta ka hortagaan kuwa geeysanaya falalka Amni darro, sidoo kalena ay kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa markasta ka dhaca dilalka loo geysto Askarta iyo dadka la Shaqeeya dowladda, waxaana mas’uuliyadda dilkaas intooda badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

ma jiraan war ka madax banaan sheegashada bolice ka oo sheegaya in ruuxa la toogtay uu ka tirsanaa Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.