Home Afsomali Nin gabadho uu guur ka rabay loo diiday oo is daldalay iyo...

Nin gabadho uu guur ka rabay loo diiday oo is daldalay iyo mid sacuudiga daar dheer iska tuuray

Ninkaan ayaa ahaa guur doon in mudo ah waxaana la soo warinayaan in loo diiday gabar uu guur ka rabay  mid labaadna loo diiday ka dibna dunida joogideeda uu go.aan adag ka qaatay sidaana uu isku daldalay

Muwaadin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay in uu iska soo tuuray dhismo dheer oo ka kooban 5 Dabaq, kaas oo ku yaalla magaalada Jidda ee dalkaasi.

Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayay halka uu Meydka yaallo  ayaa ku wargeliyay hay’addaha ammaanka kuwaasi oo soo gaaray goobtaasi.

Ciidan Roondo ah oo ka tirsan Booliska degmada Samiir iyo Ciidanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dambi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaallo Meydka, waxayna uruuriyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismahaasi.

Booliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninkan Soomaaliga isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo Meydka Marxuumka la dhigay  Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn.

Dhacdadani ayaa ah mid ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sacuudiga, kuwaas  haatan si weyn u hadal haya geerida ku timid Muwaadinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.