Home Afsomali Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii...

Nin ku labistay dharka Dumarka si uu ciyaar ugu guuleesto iyo fashilkii ku dhacay

 

Nin u dhashay dalka Kenya ayaa kusoo labistay dharka dumarka xirtaan gaar ahaan dharka gabdhaha Islaamka ku labistaan ee xijaab iyo indha shareer , si uu uga qeyb galo tartanka ciyaarta shaxda nooca loo yaqaan “chess-ka” oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Stanley Omondi oo 25-sanno jir ah ayaa isku diiwaan geliyay in uu yahay gabar, waxa uuna qortay magac dumar oo ah Millicent Awour, ninkan ayaa soo xirtay dharka dumarka xijaab iyo indha shareer si tartanka ugu guuleesto loona fahmin.

Qaban qaabiyaasha tartanka ciyaarta shaxda ee “chess-ka” ayaa ka shakiyay guulo wax ku ool ah uu ninkan tartanka ka gaaray, waxaa sidoo kale shakiga laga muujiyay ninkan sii xoojiyay kabaha uu xirnaa iyo inta ciyaarta socotay uusan marnaba hadleyn.

“Markii hore wax shaki ah kama aanan qabin, sababtoo ah xirashada xijaabka waa wax iska caadi ah. Laakiin intii aan wadnay, waxaan ogaanay inuu ka badiyay ciyaartoy aad u xoogan, waxaan kaloo ka shakinay kabaha uu xirnaa oo ahaa kuwa ragga ah oo ka weyn kuwa dumarka, waxaan sidoo kale ogaanay inuusan hadlin, xitaa markii uu gurayanayey dhagaxaantiisa, ciyaarta marka ciyaareyso waa in ada la hadashaa sida caadada ah qofka aad la ciyaareyso mana uusan sameyn sidaas” ayuu yiri Madaxweynaha ciyaarta Chess-ka ee Kenya Bernard Wanjala .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.