Home Afsomali Nin ku waashay xaaakiisa oo tiri xabiibi aniga waaye

Nin ku waashay xaaakiisa oo tiri xabiibi aniga waaye

Hooyadiis ayaa ku bukootay degmada Buulabarde, waxa uu shaqaale ka ahaa mid ka mid ah hay’daha Dawliga ah ee dalka ka jira,

Waxaa ku adkaatay in uu u ambabaxo goobta hooyadiis sakaraadka ku tahay,waayo? waxa uu ka cabsanayey in ay gacanta ku dhigaan kooxda Alshabaab, dabadeedna ay dhegta dhiigga udaraan, maadaama ay yihiin NAXARIIS laawayaal aan aqoon ama aan qorin Hooyaa jirin iyo Hooyaan soo booqday.

Ugu dambayntii waxa uu go’aansaday in uu aado meesha hooyadiis ku sakaraadayso, wixii ku dhacaya ha ku dhaceene.

Goor barqa horaad ah ayuu soo gaaray Degmada Buulaay ee Gobolka Hiiraan, markii uu soo duljoogsaday Hooyadiis oo Kooma ku jirta lana hadli karayn ayaa laga soo wacay telkii uu watay, waxaana si toos loo yiri noogu imaaw geedka wayn ee guriga aad ku jirto hortiisa ku yaala.

Isaga oo sidii dhagta ugu haaya Telkii ayuu soo istaagay iridka guriga,wuxuuna eegay Geedka cidda hoos joogta, waxuu arkay 4 nin oo cimaamado madaxa iyo indhaha ugu duuban yihiin oo Geedka hoostiisa fadhiya.

Telkii ayuu damiyey wuxuuna u soo dhaqaaqay goobtii looga yeeray, waxaa lagu yiri Asc, waxa uu ugu jawaabay Wcs.

Mar kale ayaa lagu yiri Hooyadaa see tahay? wuxuu yiri Waxay ku jirtaa Kooma ogaalna ma leh— mid ka mid ah ragii u yeeray ayaa yiri markii hooyadaa meel u dhacado ayaan isu imaanaynaa ee sidaas wax u ogoow— waayahay ayuu yiri isaga oo naxsan, murugaysan isla markaana hadalku ka soo bixi la’yahay.

Islaamaalintaas galinkeedii dambe ayay hooyadiis xijaabatay, habeenkiina waa la Aasay– 3 maalmood oo tacsiyadii ah ayaa la joogay maalinkii xigay goor barqa horaad ah ayaa mar kale looga yeeray Telkiisa isaga oo isu qabanqaabinaya in uu soo ambabaxo, waxaa lagu yiri noogu imaaw geedka hoostiisa.

Durbadiiba goobtii ayuu yimid, markaan raggii uu u yimid gafuurada uma duubnayn isagana cidna kama aqoonsan, waxay uga tacsiyeeyeen Hooyadiis waxayna u sheegeen in ay yihiin ragga uu u malaynayey Macnaha Alshabaab.

Ugu dambayntii waxay ku yiraahdeen maxaad nooga ogashahay Mushaarka aad gaalada ka qaadato– wuxuu yiri wixii aad iga codsataan——– waxay ku yiraahdeen 30$ Bil kasta ayaan kaa raabnaa, naftaaduna waa kuu Amaan, waayahay, waxna kama qabo ayuu yiri—wuxuu intaas u raaciyey intee ayaan ku soo xawilayaa lacagta? waxay yiraahdeen qofkii ku yimaada oo ku yiraahdo ANIGA WAAYE ayaad siinaysaa 30$.

Sidaas ayuu uga soo tagay, waxaa la gaaray mushaar qaadkii bisha wuuna soo qaatay, wuxuu soo abaaray gurigiisii waxaa u jooogay Xaas iyo laba ciyaal ah, marki uu guriga soo galay ayuu arkay xaaskiisii oo ku mashquulsan ama ku hadlayso Teleefoon, wuu ka gudbay qolka ayuuna galay waxaa ka soo dabagashay gacalisadiisii uu aadka u jeclaa kuna kalsoonaa, hab inatay siisay oo laabtiisa laabteeda si xoogan ugu qabatay aayay si degen u tiri Macaane ANIGA WAAYE, wuu isku naxay lama filaana way ku noqotay in xaaskiisu ay ka mid noqoto Argagaxisada— Af labadiis ayuu yeeray WAAAAAAAW dhulka ayuuna ku dhacay naxdin awgeed.

Haatan isaga oo waalan ayuu jooga guriga qoyskii uu ka dhashay,Xaaskii iyo labadii caruur ahaydna meel ay jaan iyo cirib dhigeen waa la la’yahay, ee bal ka warama.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.