Home Afsomali Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashogi oo lagu...

Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashogi oo lagu xiray..

Nin Sacuudiga u dhashay oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi ayaa lagu xirey dalka faransiiska.

Khalid Aalu Tayba, ayaa lagu qabtay gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkigu ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

Ninkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, ka mid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaana la dhigay xabsiga.

Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

Previous articleFull VIDEO Nin laba Carruur ah oo Xaaskiisu dhashay Muqdisho ku dilay
Next articleWar-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.