Waxaa kusoo khaldantay $450,000 Muxuu sameeyay
Nin kaan oo lagu magacaabo ‘Qasi Taajir’ oo ka mid ah dad kii Suuriyaan ka ahaa ee u soo qaxay Jarmal ka, ayaa waxaa akoonkiisa bankiga si khaldan ugu soo dhacay lacag nus milyuun doollar ku dhow.
Boolis ka ayuu isla markiiba la xiriiray lacagtiina waxuu u celiyay ciddii lahayd. Wuxuu sheegay isagu inuu wax iska caadiya oo sharciya uu sameeyay, laakiin waayo kadib waxaa la soo xiriiray maamul ka magaalada Mainz oo uu ku noola, aad ayayna ugu ammaaneen wixii uu sameeyay. Dad kii lacagta lahaa hadyadda uu gacanta ku haysto ayay ku abaalmariyeen.
Sidoo kale qeybo kamid ah warbaahinta Jarmal ka ayaa nin kaan ammaan huwiyay. Nin kaan ayaa kasoo qaxay magaalada Xalab sannad kii 2014, markaas oo magaaladaas go’doomin iyo dagaallo ba’an ka jireen, Jarmal ka ayuuna soo galay.
Lacagtii ugu badnayd oo kugu soo khaldanta meeqa ayay ahayd, mase celisay?
Xigasho | Yamyam Plus+