Home Afsomali Nin Telefishin ka sheegay sida uu Dumarka u kafsado iyo Caro xoogan...

Nin Telefishin ka sheegay sida uu Dumarka u kafsado iyo Caro xoogan oo ka dhalatay !!

Telefishin lagu magacaabo Nouvelle Chaîne Ivoirienne (NCI) oo kuyaala dalka Ivory Coast ayaa baahiyay barnaamij caro badan ka abuuray gudaha dalkaasi, kadib markii nin la wareesanayay si toos ah Telefishinka uga sheegay sida uu haweenka u kufsado.

Ninka la wareesanayay oo hadda dumarka siiya talooyin ku saabsan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen kufsiga ayaa sharaxay qaababka uu haween badan usoo kufsaday, waxaana arintaasi si weyn u dhibsaday ugana carooday shacabka gaar ahaan dumarka .

Dad ka badan 30- kun oo qof ayaa la sheegay in ay saxiixeen codsi dowlada uga dalbanayeen in la joojiyo hawadana laga saaro kanaalka gaarka loo leeyahay ee Nouvelle Chaîne Ivoirienne (NCI).

Wasiirka arrimaha haweenka Nassénéba Touré, ayaa kamid aheyd dadka sida weyn uga carooday barnaamijkan telefishinka ka baxay, waxa ayna xustay in barnaamijkan lidi ku yahay dadaalada dowlada uga hortageyso kufsiga.

Telefishinka NCI ayaa si deg deg ah shaqada uga eryay wariyihii barnaamijka daadihinayay, waxaana Telefishinka daawadayaashiisa ka raali galiyay barnamaijkaasi carada badan abuuray ee Tv-gooda ka baxay.

Wariyihii daadihinayay barnaamijkan carada badan abuuray ayaa shacabka Ivory Coast ka codsaday cafis, waxa uuna sheegay in qaladka dhacay uusan ku tala galin kana qoomameenayo.

Dhacdadan ayaana hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Ivory Coast, waxa ayna dadku wali dalbanayaan in Telefishinka NCI lagu ciqaabo wareysigan xasaasiyada la abuuray ee laga sii daayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.