Home Afsomali Ninka is qarxiyey wuu na soo agfadhiistay waana ka cararnay ka dib...

Ninka is qarxiyey wuu na soo agfadhiistay waana ka cararnay ka dib waxaa dhacay

Mid ka mid dadkkii  ku sugnaa Maqaaxidii uu ninka ismiidaamiyaha isku qarxiyay ayaa ka sheekeeyay qaabka uu ninkaasi ku soo galay iyo sideey  wax u dheceen.

Ninkaan oo u waramay Idaacad maxali ah  ayaa sheegay in markii uu soo galayba uu dadkii shaahaNinkaaa cabayay dhex fadhiistay islamarkaana uu isagu shakhsiyan ka shakiyay ninkaasi.

Ninkaani goob-joogaha ahaa kuna sugnaa maqaaxidii la qarxiyay ee Blue Sky Wuxuu intaasi ku daray inuu islamarkiiba dadkii joogay iyo ciidamadii amnigaba ku war geliyay shakigiisa iyo in laga kala cararo ninkaas balse uu ag fadhiistay hadana qolooyin reer Waqooyi ah iyaguna ka carareen.

“Intuusan is qarxin waan fahmay waana ku waregeliyay ciidamada iyo shacabkii maqaaxida ku sugnaa”ayuu yiri

“markii la wada cararay ayuu dadkii naftooda la baxsanayay isku dhex qarxiyay” ayuu mar kale yiri ninkaasi goob jooga ahaa.

lama oga sida uu warka u sheegay inay dhacday waxaase cadeyn kara kaliya dadkii uu xalay u digay in sheekadiisu tahay mid si dhab ah u dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.