Home Afsomali Ninka milyaneerka ah ee yaraantiisa qashinka lagu dhex tuuray

Ninka milyaneerka ah ee yaraantiisa qashinka lagu dhex tuuray

Freddie Figgers waxaa markii ugu horreysay la siiyay koombiyuutar isaga oo 9 jir ah, wuxuu koombiyuutarkaas ahaa mid duqoobay oo aanan shaqaneynin balse wuxuu jeceyl u qabay in uu meel sare ka gaaro teknooloojiyadda.

Wuxuu markii dambi noqday qof wax curiya oo shaqo abuur sameeya iyo wuxuuna ka taajiray arrimaha teknolojiyadda. Ninkan wuxuu yarantiisa soo maray nolol adag.

“Weligaa daruuftaada yaysan ka turjumin wax aad tahay,” ayuu yiri Freddie Figgers.

Ninkan oo hadda 31 sano jir ah, markii uu 8 sano jirka ahaa, wuxuu noloshiisa ka wareysatay aabihii, gaar ahaan dhalashadiisa.

“Aabahay wuxuu igu yiri, ‘hooyadii ku dhashay wey ku tuurtay, aniga iyo Betty Mae ma aanan jecleyn in aan ku geyno xarumaha lagu daryeelo carruurta, balse waxaan go’aansanay in aan ku korsano, wiilkeyga ayaad tahay.”

Freddie ayaa la tuuray isago canug yar, waxaana lagu riday koonteenar qashinka lagu tuuro oo yaallay gobolka Florida ee Mareykanka.

“Aabahay ayaa igu yiri, ‘markaa waxaad ahayd sidii qashinka. Garabka ayuu i qabtay, wuxuu igu yiri ‘wiilkeyga i dhageyso, arrintaas waxbo u qaadanin”, ayuu yiri Freddie.

Aabihiisa, Nathan Figgers, wuxuu ahaa fuundi halka Mae Figgers ay aheyd beeraley. Waxay ku noolaayeen deegaan miyi ah oo oo ku yaalla waqooyiga gobolka Florida. Xilliggaas waxay ahaayeen 50 sano jirro, waxayna ahayd sannadkii 1989, oo ah xilligii uu Freddie dhashay.

Waxay labadooda soo korsadeen carruur badan balse qaateen Freddie oo labo maalmood kaliya ah jira, waxay usoo korsadeen sida canug ay dhaleen oo kale.

Freddie wuxuu sheegay in wax kasta ay siiyeen Nathan Figgers iyo Mae Figgers.

“Carruurta ayaa i waabsan jiray, waxay iigu yeeri jireen ‘canuggii la soo tuuray, wiilka qashinka, wax ku rabo ma laha, waxaad tahay wasakh’,” ayuu yiri Freddie.

Xitaa wuxuu sheegay in waaggii uu iskuulka dhiganayay ay carruurta inta ay qabteenn ay ka dibna ku rideen koonteenarada qashinka, isla markaana ay ku qosli jireen.

Freddie wuxuu sheegay in Nathan iyo Betty Mae in ay yihiin halyeeyo si weyn uu ugu deydo.

Maalmaha fasaxa waxay Freddie iyo Nathan gaari jireen goobaha qashinka lagu soo daadiyo – waxay ka raadsan jireen waxyaabaha la soo tuuray ee laga yaabo in ay isticmaali karaan, markii dambe Freddie ayaa qashinka ka dhex helay koombiyuutar.

“Waxaa jirtay mahmaah oraneysay, ‘qashinka uu soo tuuro qof, wuxuu hanti u yahay qof kale,” ayuu yiri Freddie.

Wuxuu sheegay in uu si weyn u jeclaa culuumta koombiyuutarrada.

Presentational grey line

Wuxuu ku howlanaa uruurinta qalab ay ka mid yihiin Raadiyaha iyo saacadaha, kuwaas oo ka caawiyay ninkii soo korsaday.

Wuxuu sheegay in markii 50 jeer uu isku dayay in uu shido kombiyuutarka uu markii dambe ku guuleystay. Tallaabadaas waxay u horseeday in noloshiisa uu ku qaato ka shaqeynta teknooloojiyadda.

Freddie Figgers oo da’ yar

Wuxuu sheegay in damaciisuu ahaa in uu meel ka gaaro cilmiga koombiyuutarada, xitaa wuxuu ka fakiri jiray in uu ku ciyaaro koombiyuutarkiisa marka uu iskuula jiro.

Freddie wuxuu ahaa 12 sano jir markii la ogadaay cilmigiisa. Wuxuu ku mashquulsanaan jiray hagaajinta koombiyuutarada hallaabay ee iskuulka, marka ay carruurta kale iska ciyaari jireen.

Agaasimihii qaabilsanaa waxbarashada iskuulada wuxuu ahaa duqa magaaladii ay degganaayeen ee Quincy, markii uu arkay in Freddie uu hagaajinayo koombiyuutarada, wuxuu ka codsaday in uu waaliddintiisa uu la yimaado hoolka maamulka dowladda hoose.

“Markii uu gaaray hoolka, wuxuu tusay 100 kombiyuutar, wuxuu ku yiri ‘in aad hagaajiso ayaan rabaa koombiyuutaradan.”

Freddie wuxuu maalin kasta hagaajin jiray koombiyuutarada halkii saac-ba wuxuu qaadan jiray $12 doolar.

Wuxuu sheegay in uu rabay lacag balse uu raadinayay fursad uu ku qabsado waxa uu jecelyahay.

Sanado ka dib, waxaa soo baxday fursad lagu hagaajinayo barnaamij wax looga qabanayo waaxda biyaha ee magaalada Quincy, Shirkad ayaa soo bandhigtay in $600,000 doolar ay ku baxeyso hagaajinta barnaamijka.

Freddie wuxuu soo xusuustay in uu maamulihii magaalada waco ka dibna u sheegay in uu ka caawin karo shaqadan.

“Marka waxay i siiyeen shaqadii, waxaan sameeyay barnaamijkii, gaar ahaan noocii ay rabeen ayaan u soo bandhigay. Ma aysan i siinin lacagta $600,000, balse waxaa la ii siin jiray lacag joogto ah, guriga ayaanna iska aadi jiray,” ayuu yiri Freddie.

Waa horumar weyn oo uu gaaray Freddie xilliggaas oo 15 sano jir uu ahaa. Wuxuu go’aansaday in uu isaga tego waxbarashada si uu bilaabo ka ganacsiga cilmiga kombiyuutarka – tallaabadaas oo ay ka naxeen waaliddintii soo korsaday.

Wuxuu sheegay in waaliddintiisa ay ku qanacsanayeen in uu wax barto si uu mushaar u qaato, balse isaga wuxuu hamiggiisu ahaa in isbaddal naadir ah uu la yimaado.

Ganacsiga Freddie ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii ballaarinayay.

“Waxaan sameyn doonaa wax kasta inta tabarteyda ah si aan dunida uga dhigo mid wanaagsan, ka hor inta aanan ka rawaxin”

Freddie wuxuu ahaa 24 sano jir markii uu geeriyooday Nathan, bishii January 2014-kii.

“Waa arrin qalbi jab igu reebtay, sababta oo ah waxaan doonayay in aabahay aan ka farxiyo”, ayuu yiri.

Freddie wuxuu $2.2 milyan oo doolar ku iibsaday qalabka la socodka dhaqdhaqaaqa banii’aadanka ee uu ikhtiraacay, wuxuuna sugayay in loo dhameystiro lacago ka maqnaa.

Ninkii soo korsaday Nathan, wuxuu hamiggiisu ahaa in uu soo iibsado gaari xamuul ah iyo doon uu ku kalluumeysto, balse wuu geeriyooday.

“Aabahay ma aheyn qof hodan ah balse wuxuu saameyn ku reebay nolosha dad badan, waxaan doonayay in aan raaco dhabihii uu ii jeexay si aan u caawiyo qof kasta inta taagteyda ah”.

Feddie wuxuu bilaabay hirgelinta mashruuc weyn oo ku aadan sidii uu Internet-ka ku gaarsiin lahaa qeybo ka mid ah deegaanada miyiga Mareykanka maadama deegaanadaas aanan laga helin adeegga internet-ka ee 2G iyo 3G.

Wuxuu doonayay in la helo adeeg isgaarsiin oo casri ah oo la gaarsiiyo deegaannada miyiga, sannadkii 2008, wuxuu codsi u diray guddiga isgaarsiinta federaalka Mareykanka si uu helo ruqsad uu ki bilaabayo shirkadda ganacsi uu isagu leeyahay taas oo qaabilsan isgaarsiinta.

Wuxuu marar badan isku dayay in uu sameysto shirkadda teknolojiyadda, balse sannadkii 2011-kii, Freddie oo 21 sano jir ahaa wuxuu noqday qofkii ugu da’da yaraa ee iska lahaado shirkad qaabilsan isgaarsiinta, sida laga soo xigtay warbaahinta NBC News.

Shirkadda isgaarsiinta ee Figgers waxay noqotay shirkadda keliya ee qaabilsan isgaarsiinta ee uu leeyahay qof madow ah.

Waxaya shirkaddiisa adeegyo gaarsiisay deegaanno miyi ah oo dhaca waqooyiga gobolka Florida iyo koonfurta Georgia, shirkaddiisa ayaa si weyn usii ballaaratay.

Sannadkii 2014-kii, Freddie wuxuu hirgeliyay adeegga casriga ah ee Figgers F1, kaas oo la soconaya dhaqdhaqaaqa socodka ee ‘Safe Mode’ kaas oo dadka adeegsanaya teleefoonnada qaar ka hor istaagaya in ay farriin qoraan xilliga ay baabuurta kaxeynayaan.

Freddie wuxuu guursaday sannadkii 2015-kii, wuxuu heystaa gabadh.

Wuxuu leeyahay hay’ad maalgelisa waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka isla markaana caawisay qoysaska iyo carruurta tabaaleysan.

Barnaamijyadii uu dhawaan qabtay waxaa ka mid ahaa in baaskiil uu ugu deeqay carruurta ku sugan goobaha xanaanada iyo qalabka ka hortagga cudurrada qaar oo uu u qeybiyay shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalayo bukaanada Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.