Ninkan sawirkiisu idiin muuqdo ayaa ku eedeysan inuu qof shacab ku dilay degmada Hodan agagaarka carwo Al-kowthar, waxaa uuna ka baxsaday goobta dhacdada kadib.
Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir ayaa dabagal iyo baafin ay sameeyeen ku ogaaday inuu magaalada Kismaayo joogo, Qeybta boliiska jubbaland oo fariintu gaartay ayaa eedeysanaha kusoo wareejiyay Taliska qeybta guud maanta oo taariikhdu tahay 13/08/2023.
Ninkaan oo ku eedeysan dilka marxuum aan waxba galabsan ayaa hadda ku jira gacanta boliiska, waxaana la waafajin doona hab-raaca sharci ee dalka u yaal hadduu alle idmo.
Muwaadin haddii aad aragto fal amniga wax u dhimaya warbixin la wadaag saldhigga kuugu dhow ama wac lambarka gaaban ee 991.