Home Afsomali Ninkii fududeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa oo lagu Xakumay dil toogasho...

Ninkii fududeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa oo lagu Xakumay dil toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee maamulka Puntland ayaa saakay xukun dil ah ku riday askari katirsanaa ciidamada badda ee Puntland oo lagu eedeeyay in uu fududeeyay dil ka dhacay Boosaaso.

Askarigan katirsanaa ciidamada Badda ee Puntland oo lagu magacaabo Dable Cabdi Cali Xirsi ayaa lagu helay in uu fududeeyay dilkii gudaha Dekadda Boosaaso nin hubeesan ugu geestay Maareeyihii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa .

Dhageysiga dacwada loo heesto askarigan kadib ayaa Maxkamada ciidamada Puntland ku dhawaaqday in askariga dambiga lagu soo eedeeyay lagu helay laguna riday Xukun dil ah, waxaana askarigan u furan in xukunka uu ka qaato racfaan.

Al Shabaab ayaa horey u sheegatay masuuliyada dilkan loo geestay ninkan u dhashay Jaziira Malta ee maamulayay Dekadda magaalada Boosaaso, waxaana dilkan saameyn ku yeeshay howlihii shaqo iyo maamul ee dekadda Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.