Home Afsomali Ninkii fuliyey Weerarakii Kulbiyo oo la xaqiijiyey in uu ahaa Feysal Yuusuf...

Ninkii fuliyey Weerarakii Kulbiyo oo la xaqiijiyey in uu ahaa Feysal Yuusuf Aadan aqriso qabiilka iyo deegaanka uu ka soo jeedo

Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo Qabiilka nin ka mid ahaa raggii isku qarxiyay Xerada ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose halkaasoo ay jimcihii weerareen.

Weerarkaas ayaa sida Al-shabaab horey u sheegtay waxaa uu bilowday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday xerada ciidamada Kenya, waxaana xigay dagaal toos ah.

Magaca ninka weerarka hore ee isqarxinta ah fuliyey ayey Al-shabaab ku sheegeen Feysal Yuusuf Aadan oo ka soo jeeda beesha Mareexaan ee degta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxay intaa ku dareen in Feysal uu la shaqeyn jiray Shiikh Dulyadeyn oo ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaasoo lagu dilay howlgal ka dhacay Jubbooyinka.

Wareysi maqal ah oo laga qaaday ninkan ayaa laga baahiyey Idaacada Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab isagoo ka hadlay taariikhdiisa iyo ujeedada uu ka lahaa weerarka isqarxinta ah ee uu ku baxay.

Al-shabaab ayaa sheegtay iney weerarkaas ku dileen ilaa 60 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya, ayna ku qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanad fara badan.

Hase ahaatee wasaarada Gaashaandhiga Kenya ayaa beenisay hadalka Al-shabaab, waxayna sheegeen iney askarta looga dilay dagaalkaas ay gaarayaan 9 askari.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.