Home Afsomali Ninkii wadnaha doofaarka lagu rakibay oo geeriyooday

Ninkii wadnaha doofaarka lagu rakibay oo geeriyooday

Nin noqday qofkii ugu horeeyay ee adduunka oo lagu talaalo wadne doofaar ayaa dhintay. David Bunnet oo qabay xanuun dhanka wadnaha ayaa noolaa labo bilood kadib markii uu maray qalliinkii wadnaha doofaarka. Xaaladiisa ayaa ka dartay maalmo ka hor sida uu sheegay dhaqtarkiisa oo ku sugan magaalada Baltimore. Bennet ayaa ka warqabay halista ka dhalan karta qalliinka, isaga oo qalliinka ku sheegay ‘Ul mugdi lagu tuurey’. Dhaqaatiirta jaamacadda Marryland ee Maraykanka ayaa la siiyay ogolaansho gaar ah oo ku saabsan in ay qalliinka fuliyaan, iyada oo wakaaladda Kormeerka Caafimaadka Maraykanka ay go’aankani u cuskatay maadaamaa Mr David uu markasta dhiman lahaa, xitaa haddii aanan qalliinka lagu samaynin.

Previous articleSEIT Hir-Shabeelle oo maanta Baladweyne ku qabanaya Doorashada HOP#010, HOP#030 & HOP#066
Next articleDagaal ka dhacay Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.