Kadib markii ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne muuse biixi Cabdi iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa waxaa dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka & cullimada Somaliland.
Qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka iyo Cullimada oo Maanta Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in dhowrjeer ay isku dayeen inay xaliyaan labada dhinac, balse ay kalsooni ka waayeen dhanka xukuumada arrintaasna ay u daayeen golaha Wakiilada & guurtida, hayeeshee ugu dameyn ay shalay ka warheleeen in wada-hadalladii burbureen.
Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka oo ay u wakiisheen in uu hadlo ayaa ka dalbaday  Guddoomiyeyaasha Golayaasha Wakiilada & guurtada inay bulshada u cadeeyaan waxa sababay inay wada-hadallada burburaan & cidda ay ka socon weeysay.
Waxaa ay usoo jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu xal u raadiyo arrinta taagan ee la xiriirta sida loo soo kala hormarinayo doorashooyinka Ururada iyo tan Madaxweynaha hadii kale wixii dhibaato ah ee dhasha uu mas’uuliyadeeda qaadayo.
Dhankooda Xisbiyada mucaaradka ayuu ugu baaqay hadii ay yihiin kuwo daneynaya inay Madax ka noqdaan Somaliland inay aqbalaan in ay noqdaan kuwo ka Shaqeeynaya nabadda iyo xasiloonida, isaga oo Shacabka ka codsaday in iyagu ay ilaashadaan amnigooda.
Khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xooeysanayay kaas oo salka ku haaya arrimaha doorashooyinka oo mucaaradka ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi uud oonayo muddo kororsi.
https://youtu.be/Xm4y6LPSV8U