Home Afsomali Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo gaaray furimaha dagaalka ee Laas-Caanood

Odayaasha Dhaqanka ka tegay Muqdisho oo gaaray furimaha dagaalka ee Laas-Caanood

Odayaasha Dhaqanka isxilqaamay ee ka tegay magaalada Muqdisho ayaa gaaray goobaha ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa la Magac baxay SSC ee duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Odayaashaan oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa u tegay jiidaha dagaalka ee duleedka Laas-Caanood sidii ay u ogaan lahaayeen waxa kajira halkaas iyo masaafada ay isku jiraan labada dhinac.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ka tegay muqdisho ayaa waxaa wehlinaya Isimada dhaqanka SSC , waxaana la filayaa inay gudaha u galaan Magaalada Laas-Caanood si ay u qiimeeyaan waxyeelada ka dhalatay dagaalka iyo dhibaatada gaartay goobaha danta guud.

Odayaasha Dhaqanka isxilqaamay ee ka tegay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyada Somaliland & SSC, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in Somaliland taasi diiday, isla markaana shalay ay Somaliland ku dhawaaqday inay weerareyso goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada SSC.

Previous articleDowlada Somalia  oo Dhagax-dhigtay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay
Next articleWajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah as oo hiiraan looga dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.