Home Afsomali Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee heshiiska la galay AS oo Muqdisho la...

Odayaashii Reer Xaaji Saleemaan ee heshiiska la galay AS oo Muqdisho la keenay

Waxaa Maanta magaalada muqdisho diyaarad ku keentay Saddexdii Oday Dhaqameed ee kasoo jeeday Beesha Reer Xaaji Saleemaan, kuwaas oo dhawaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug heshiiska kula galay Ururka Al-Shabaab.

Odayaashaan oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa Magaalada Dhuusamareeb kadib markii laga soo xiray Magaalada Cadaado.

Maalmo ka hor ayaa Saddexda Oday ay kasoo muuqdeen Warbaahinta, iyaga oo kula hadlay magaalada Cadaado, waxaana ay sheegeen in sababta ay heshiiska ula galeen Ururka AlShabaab ay aheyd inay kasoo badbaadinayeen ku dhawaad 70 Ruux oo ay Al-Shabaab si xoog ah uga heysteen Beesha.

Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug iyo taliska qeybta 21aad ayaa dhawaan siwadajir ah u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaaayo cid kasta oo la macaamisha Ururka Al-Shabaab, taas oo keentay in Odayaasha la xiro.

Maanta ayaa Magaalada muqdisho la keenay Saddexda Oday si loogu maxkamadeeyo, kadib markii Hay’adaha Amniga Maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.