Home Afsomali Odaygeeda oo 89 jir ah ayaan dhaxalka ku qorin wayna is dishay...

Odaygeeda oo 89 jir ah ayaan dhaxalka ku qorin wayna is dishay ugu danbayn

Odaygeeda oo 89 jir ah ayaan dhaxalka ku qorin wayna is dishay ugu danbayn.

Sawirkaan waa 1994-tii Gabadha waa Anna Nicole oo 25 jir ah iyo ninkeeda bilyaneerka ah Howard Marshall oo 89 sano jir ah.

Markii la waydiiyay sababta ay u guursatay Mr Howard oo da’ahaan aad uga wayn ahna oday duq ah waxay tiri “Waxaan jeclahay eegmadiisa naxriista leh iyo muuqaalkiisa soo jiidashada leh waxaan kaloo jeclahay ayay tiri usha bakoorada ah ee uu wato”.

Hal sano oo guur ah ka dib, bilyaneerkii seygeedii Howard waa uu dhintay kadibna waxa ay ogaatay in ninkeeda dhamaan hantidii uu lahaa uu ku qoray caruurtiisa, iyaduna uu ka dardaarmay in la siiyo ushii bakoorada ahayd maadaama ay aad u jeclayd usha.

Mss Anna waxa ay dacwo dheer oo heer Maxakamadeed ah la gashay Caruurtii uu ka dhintay odaygeedii kadib Maxkamada ayaa xukmisay in ay hantida aysan waxba ku lahayn, ugu danbeyn waa ay is dishay 2007-dii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.