Home Afsomali Codaynta Guud Aqriso Xili la dooranayo Madaxweynaha iyo Gudoonka sare ee Baarlamaanku...

Codaynta Guud Aqriso Xili la dooranayo Madaxweynaha iyo Gudoonka sare ee Baarlamaanku yeelanayo

Shirka hoggaamiyeyaasha madasha wada-tashiga qaran ee dalka ayaa ka socda Muqdisho maalintii labaad.

Shirka ayaa laga sugayaa go’aano muhiim ah oo ay ka midyihiin in ay madaxdu isku raacaan waqtiga kama dambaysta ah ee la qabanayo doorashada Guddoonka baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha.

Shirkan oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan wakiilada beesha caalamka u jooga Somaliya ayaa warar ku dhow dhow oo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in la isla meel dhigay qorshaha lagu soo gebagebeynayo doorashooyinka iyo xiliga kala guurka Somaliya.

Wararka ayaa sheegaya in hogaamiyeyaashu isku raaceen wakhtiga ay dhacayso doorashada gudoonka Barlamaanka iyo madaxweynaha,taasoo ah :-

1-15ka in bishan la dhaariyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Somalia.
2-22-ka bisha in  la qabto doorashada guddoonka Baarlamanka iyo ku-xigeenadiisa.
3-Doorashada Madaxweynaha fadaraalka  Somaliya in la qabto 28-ka bishan.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in xubnaha beesha caalamka ee taageeraya hanaanka doorashooyinka Somaliya ay aqbaleen  jadwalkan ay isku raaceen madaxda Somalida.

Shirkan ayaa lagu wadaa in maalinka beri ah uu soo afmeermo lagana soos aaro war murtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada lagu heshiiyay.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.