Home Afsomali Odoy dhaqameydii soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka la sheegay in ay ku...

Odoy dhaqameydii soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka la sheegay in ay ku sii qulqulayaan Goobaha ay Alshabaab maamulaan

Gobolada dalka gaar ahaa kuwa  Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa qulqulka Odayaal dhawaan looga yeeray deegaanada ay maamulaan Alshabaab kuwaas oo ay ka qeyb qaatay soo xuliddii xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka.

Odayaashan ayaa doonaya in ay  faa’iidaystaan  cafiskii ya fidisay Shabaab waxayna si halhaleel ah ay u tiigsanayaan goobihii ay u cayimeen  si ay halkaas isaga diiwaan geliyaan.

sida uu daabacday website Alshabaab taageera  Boqolaal kamid ah odayaashii Xildhibaannada soo xulay ay soo gaareen deeganadaas halkaas oo Towbada loogu qabtay sida uu ahadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Odayaashu ay soo dhoweyn kala kulmeen maamullada  walina ladareemayo qulqulkooda waxayna odayaashan ka imaanayaan dhammaan deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyada koofurta  oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

Tirada Oday dhaqameedyada ee iska xaadiriyay ayaa ah 159 kuwaas oo ka kala yimid illaa Afar maamul goboleed balse waxaa jira kuwa badan oo ay usuurtageli waysay in ay soo tiigsadaan  oo xiriiro lasoo sameeyay  Al Shabaab kuna dhawaaqay in ay ka towbadkeenaan dambigii ay galeen oo ahaa in ay soo xuleen Xildhibaanada sheegtay sharci dajiyaal.

Maamul Jubbaland :waxaa ka yimid 33 Oday dhaqameed Towbad keenayaal ah

Maamulka Hirshabelle: waxaa ka yimid 53 Oday dhaqameed Towbad keenayaal ah

Koonfur galbeed: waxaa ka yimid 40 Oday dhaqameed Towbad keenayaal ah

Galmudug: waxaa ka yimid 33 Oday dhaqameed Towbad keenayaal ah

warku wuxuu intaa ku darayaa in  Odayaasha qaar  ay xiriiro lasoo alshabaab islamarkaana ayna sheegeen in ay imaan doonaan iyagoo Towbadkeenayaal ah ballan ayaana loo qabtay waxaana lasiiyay ammaan inta ay kasoo gaarayaan deegaanada loo Cayimay,

 “Boqolaal kamid ah Odayaashii soo xulay Xildhibaanada ayaa soo gaarayalshabaab  iyagoo ka faa’iidaysanaya waqtigii ay mujaahidiintu uqabteen, kuwa kalane xiriiro ayay lasoo sameeyeen oo wadada ayay kusoo jiraan ammaan ayaana lasiiyay inta ay kasoo gaarayaan alshabaab ” ayuu yiri mas’uul lahadlay adaacada ay alshaab leeyihiin

sida lagu qorayna sidaan ayey aheyd

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odayaashii baarlamaanka kasoo xulay dhanka maamulka Puntland ay xiriiro lasoo sameeyeen Al Shabaab ayna iclaamiyeen in ay ka towbad keeneen wixii ay sameeyeen islamarkaana lasiiyay ammaan buuxa.

13 Maalmood ayaa kasoo wareegtay 45-tii maalin ee Al Shabaab ay uqabatay in ay ku Towbadkeenaan Odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana muuqata in Odayaashan ay dhegaha ka furaysteen caga jugleynta uga imaanaysa maamul goboleedyada iyo DF-ka.

15,July,2019 ayay aheyd markii ay Al Shabaab baaq udirtay dhammaan odayaashii dhaqanka ee soo xulay xidhibaannada baarlamaanka waxaana muuqata in Odayaashu baaqaasi si heer sare ah uso ajiibayaan.

Previous articleMuqtaar Roobow Abuu mansuur oo xabsi guri laga dhigay xarigiisa
Next articleRebuilding Somalia takes positive strides despite the numerous odds

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.