Home Afsomali VIDEO Odoyaal caan ah oo si dadban macaash uga helay mooshinka laga...

VIDEO Odoyaal caan ah oo si dadban macaash uga helay mooshinka laga gudbiyey Madaxweyne farmaajo iyo guud ahaan dowladiisa nabad iyo nolol

Iyadoo mooshinka laga keenay Madaxweynaha Somalia uu kala qeybsanaan dhex dhigay gudoonka iyo xildhibaanada baarlamanka ayaa xafiiska raisul wasaare Khayre waxaa uu bilaabay maanta olole lagu difaacayo Madaxweynaha.

Shaqsiyaad lagu ogaa in ay hiyiin nabadoono odoyaal ugaasyo suldaano ayaa khudbado ay qaraah ku qaateen halkaa ka soo jeesiyey

Odoyaashaan Kama handling ridistii jawaari iyo mooshino khilaafaad kale oo dalka soo maray.

Kulan uu soo qaban-qaabiyey xafiiska raisul Wasaaraha ayaa maanta lagu qabtay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu taageerayey madaxweynaha, waxaana kulankaas la isugu yeeray odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Weriyeyaal goobta uu shirku ka dhacayey tegay ayaa sheegay in nin ka socday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabo Bile uu warbaahinta u tilmaamayey codadka iyo muuqalada ay qaadanayaan.

Kulankan ayey ilo wareedyo ku dhow xafiiska Raisul wasaaruhu sheegeen inuu hordhac u yahay kulamo kala duwan oo maalmaha soo socda uu qabanayo xafiiska Raisul wasaaraha kuwaasoo taageero loogu muujinayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in kulamadan loo qabanayo qeybaha bulshada loo qoondeeyey dhaqaale gaar ah.

Dadka siyaasada indha-dheeya ayaa sheegaya in Raisul wasaaruhu ku qasban yahay inuu difaaco Madaxweynaha, maadaama haddii madaxweynaha la rido ay xukuumaduna dhaceyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.