Home Afsomali Odoyaashii Muqdisho ka ambanaxay oo aan weli xalkeenin

Odoyaashii Muqdisho ka ambanaxay oo aan weli xalkeenin

Somaaliland ayaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool kula kulmay Odayaasha Dhaqanka ee ka tagay Magaalada Muqdisho .

Qoraal kooban oo  uu bartiisa face buugga soo dhigay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland Cabdirisaaq Khaliif ayuu uga hadlay kulanka  ay wada yeesheen isaga iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Laascaanood islamarkaan ka tagay Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qayb qaadanaya xal u helida colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood.

Gudoomiye Cabdirisaaq khaliif ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka  ee ka socda Koofurta Soomaaliya in dhaqanka laascaanood ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo colaadda ka jirta laascaanood balse dhinaca  Soomaaliland  Nabadda ay ka doorteen in dagaalka ay ku sii wadaan laascaanood.

Odayaasha Dhaqanka ee ka Tagay Magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa doonaya in wada hadal lagu xaliyo colaadda ka taagan Laascaanood.

Previous articleDagaal shabaab guulo ka sheegtay oo ka dhacay Jubbalanad
Next articleSomaliland oo qarka u saaran in ay musaafiriso Isimadda dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.