Home Afsomali Ogow geeridu waa xaq Naf kastaana waa tii mowda dhadhamisaa

Ogow geeridu waa xaq Naf kastaana waa tii mowda dhadhamisaa

GEERIDII DHIBKA BADNAHD EE UU MARAY SHAQSIGII UGU WANAAGSANAA DUNIDA NABIGEENA MUXAMAED (NNKH) AQRISO OO SHARE GAREEY:
Qisadii dhexmartay Nabigeena suubanaa iyo malakul_mowtkii waa ooyi doontaa:
BISMILAAH
Xabiibkeena muxmed scw xanuunkiisa waxaw soobilaabmay sanadii 11 aad hijriya safar bikawgeedii Mar uu ka qeyb galaayey janaaso lagu duugayey baqiic waxawna solabtay asagi madaxanunaya una yimi hooyadeen caisha bintu abubakar sadiiq Oo iyadana madaxa lagahaayo marka laysu geeya ayaamaha xanuunkiisa waxay dhantahay 21 casho halka kutubta qaar ayshegaan 23 casho
Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18maalmood oo ay Asxaabu booqanayeen Xanuunkiisa, Xanuunkii ugu horeeyay
wuxuu ahaa Madax-xanuun,habeenkii isniinta ee uu maalinkeeda dhiman doon ayaa xanuunkiisii cuslaaday.
Sayid-Bilaal ayaa aadamay aadaankii salaadda subax wuxuu istaagay albaabka guriga Nebiga, wuxuuna yiri: (Assalamu
caleyka yaa rasuululaahi) Faaduma ayaa tiri:
‘Rasuulkii Illahey nafsadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, markii salaaddii cadaatay ayaa Sayid-Bilaal soo laabtay,
wuuna salaamay rasuulka sidii hore oo kale, dhawaaqii Bilaal waxaa maqlay rasuulka wuxuuna yiri: ‘soo gal Bilaal’, waana soo
galay Bilaal isagoo ooyaya Rasuulkuna (SCW) wuxuu yidhi Bilaalow xanuunkii ayaaigu cuslaatay ee ha tujiyo salaadda dadka
Abuubakar Sadiiq. Bilaal waa baxay isagoo madaxa gacmaha saaranaya, asiga oo dhahaayo musiibo ayaa noo timid iyo ereyo kale oo la mid ah.
 Masjidkii ay uu galay, wuxuuna Abuubakar ku yiri ‘Nebigu wuxuu ku amrayaa inaad salaadda tujiso’ Abuubakar markii uu arkay mixraabkii uu Nebigu (NNKH) istaagi jiray oo faaruq ah wuu hanan waayay nafsaddiisa waana la miir daboolay waana qeyliyay, muslimiintii oo dhanna wey
qeyliyeen, qeyladii ayuu maqlay Nebigu (NNKH) wuxuuna weydiiyay gabadhiisa Faadumo wuxuuna yidhi ‘ Faadumoy waa
maxay hugunka iyo sawaxanka yeedhaya?’ waxay tiri Faadumo ‘Muslimiintii ayaa Ooyeen markey ku waayeen’. Rasuulku wuxuu
 u wacay Sayid Cali iyo Fadal Bin Cabaas, weyna garba galeen waxeyna geeyeen masajidkii salaaddii ayuuna kabixiyay asxaabtii, salaaddii kaddib ayuu rasuulku (NNKH) la dardaarmay asxaabtii
wuxuuna yiri: ‘Waxaan idiin dardaarmayaa oo aan idiinku sagootinayaa cabsida Illahay iyo inaad adeecdaan oo aad
amarkiisa qaadataan anigu waan faaruqayaa (ka tagayaa) adduunyada, maantana waa maalintii iigu dambaysay
adduunyada iiguna horreeysay Aakhiro’.
 Intaa kaddib Nebiga (NNKH) waxaa la geeyey gurigiisa, Illahay ayaa u waxyooday
Malakul-mowt wuxuuna yiri: ‘Hoobo (u tag) xabiibkayga (kaan jeclaa) Muxammad (NNKH) uguna tag suurad wanaagsan una
naxariiso) marka aad ka qaadaysid nafta, markii aad u tagtid idan weydii, haddii uu kuu idmo u gal gurigga balse haddii uu kuu
diido ha u galin, kana soo laabo’. Malakul-mowt wuxuu u tagay Nabigeena Muxammad (NNKH) isagooo u eg nin reer
Baadiyo ah, wuxuuna yiri: ‘Assalamu calaykum yaa rasuulalaah ma soo galaa?’ Faadumo ayaa la hadashay oo tidhi: ‘Ninyahow rasuulkii illahay wuxuu ku mashquulsan yahay
Nafsadiisa’!!
Malakul-mowt mar labaad ayuu ku celiyey salaantii, waxaana maqlay rasuulkii.Rasuu lka (NNKH) ayaa Faaduma ku yiri: ‘Ma
garanaysaa ninka?’. Faaduma waxay tiri : ‘ Maya’ rasuulku wuxuu yiri: ‘waa ninka gooya macaanyaalka, kala geeya (kala
wada) dadka is jecel, qaraabada guryaha, camira Qubuurta, ilmaha agoomeeya, naagahana carmal ka dhiga, waxaana la
yiraahdaa Malakul-mowt’.
Faaduma markay ogaatay in ninku yahay malakul-mowt ayay ooyday, waxayna tiri: ‘
masiibo ayaa nagu dhacday, waxaana dhimanaya rasuulkii Illahay ee ugu dambeeyey ambiyada, waxaa naga go’ayaa
wax’yigii samada ka imaanayey, waxaan weyneynaa hadalkii rasuulkeena, maanta kaddibna maqli mayno salaantii Aabahay.
Rasuulku wuxuu yiri: Faadumoy waxaad tahay qofka ugu horreeya ee aan is haleeleyno (isla kulmeyno)’ wuxuu kaloo rasuulku yiri:’ malakul’mowdow soo gal’ wuuna soo galay malakul’mowt, wuxuuna yiri. ‘Assalamu calayka yaa rasuullulaah’
rasuulkuna wuxuu yiri ‘wacalaykum assalam yaa malakul-mowt, ma waxaad iigu timid inaad i soo siyaarato mise inaad iga
qaado nafta?’.Malakul-mowt wuxuu yiri: ‘waxaan kuugu imid inaan ku soo siyaarto kaana qaado nafta haddii aad ii idinto,
balse haddii aad ii idmi weydo waan iska noqonayaa! Rasuulku wuxuu yiri: malakul-mowdow xaggee uga soo tagtay
malakul-jibriil.
Malakul-mowt wuxuu yiri:’waxaan uga soo tagay samada adduunyada’, isla markiiba waxaa yimid malakul-jibriil, wuxuuna fariistay Nebiga madaxiisa, wuxuuna rasuulku yiri:
‘miyaadan ogayn in amarkii dhawaaday?
Wuxuu yiri:’waan ogahay rasuulkii Illaahayow’.Rasuulku wuxuu yiri: ‘ iigu bishaarey illaahay agtiisa waxa ii yaala oo
karaama ah (wanaag ah)’. Malakul-jibriil wuxuu yiri: ‘albaabada
samada waa la wada furay, malaa’igtii illaahayna saf bay galeen iyagoo sugaya ruuxdaada, albaabadii jannada waa la wada
furay’. Rasuulku wuxuu yiri: ‘iigu bishaaree siday ahaan doontaa ummadaydu maalinta Qiyaamaha?’.Malakul-jibriil wuxuu
yiri: ‘waxaan kuugu bishaaraynayaa Illaahay inuu yidhi: Jannada waan ka xarimay (u diiday) ambiyada illaa Nabi  Muxammad (NNKH) galo, sidoo kale jannada waan ka xarimay ummadaha
illaahay oo dhan illaa ay ummadda Nabi Muxammad ka galaan’.Rasuulkuna wuxuu yiri: ‘hadda ayuu diib noqday
(wanaagsanaaday) qalbigaygu, igana suushay murugtii’.
Rasuulku wuxuu yiri: ‘malakul-mowdow ii soo dhowow’. Malakul-mowt waa u soo dhawaaday naftii ayuuna ka jiiday illaa
ruuxdii ka soo gaarto xudunta.Rasuulku wuxuu yiri: ‘maxaa darnaan badiyey xaraaradda (xanuunka) mowdka’, wuxuu
kaloo yiri: ‘malakul-jibriilow ma waxaad dhibsatay eegtaanka wijigayga?’. Malakul- jibriil wuxuu yiri ‘ Illaahay xabiibkiisiyow
ayaa awood u leh inuu eego wajigaaga adigoo sakaraadaya’. Aanas Binu Maalik wuxuu yiri: ‘ Nabigu markay naftu
kabaxaysay wuxuu lahaa: Waxaan idiin dardaarmayaa salaadda iyo wixii ay hanatay (milkisay) gacmihiinu. Rasuulkii Illaahay wuxuu geeriyooday maalin isniin ah ee bisha rabiicul-awal ka
mid ah, ama loo yaqaan mowliid. Haddii adduuniyo lagu baaqi yeelayo qof, waxaa la dayn lahaa rasuulkii Illaahay:
Rasuulka waxaa dhaqay Sayid Cali, waxaa ku shushubayey biyaha fadal bin Cabaas iyo Usaama bin Zayd, waana la kafanay,
waana lagu tukaday, waxaana lagu aasay gurigiisii ee qolka Caa’isha (RC,) habeen arbaco ah ayaana la aasay Suubanaha
(NNKH.)
Fadlan U share gareey walaalahaaga  muslimiinta ah: adigana ajir & xasanaad allaah kaa siiyo,aamiin aamiin
Fadlan ino duceya halkii nebigu  maray in aan marno
Sh Abdalla Hassan Baliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.