Home Afsomali Puntland iyo Galmudug oo yeelanaya iskaashi amni oo ka dhan ah Alshabaab

Puntland iyo Galmudug oo yeelanaya iskaashi amni oo ka dhan ah Alshabaab

Mas’uuliyiin katirsan Galmudug iyo Puntland ayaa yeeshay kulan ay kagaga hadlayeen amniga iyo iskaashiga ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Labada maamul ayaa isku raacay in boorka laga jafo wada shaqayntii laamaha amniga, islamarkaana la qaado howgallo ka dhan ah Alshabaab.

Kulankooda ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowaan magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay dil loo geystay mid kamid ah nabadoonada Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Shire Qoodaar ayaa sheegay in loo baahan yahay in lasoo afjaro Alshabaab oo aan laga dhigin mashruuc.

Muddo sanad ka badan oo ay Gaalkacyo ka nasatay dilalkii iyo qaraxyadii Alshabaab ay ka geysan jirtay, ayaa hadda laamiga amnigu waxay aaminsan yihiin inay Alshabaab maleegayaan qatar ka dhan ah amniga.

Waxay sheegeen inay Alshabaab xubno cusub  magaalada Gaalkacyo soo galiyeen, si ay u fuliyaan weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ka dhan ah masuuliyiinta labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.