Home Afsomali Puntland oo Caawa War cad kasoo saartay Xil ka qaadistii lagu sameeyay...

Puntland oo Caawa War cad kasoo saartay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Fahad Yaasiin

War Saxaafadeed caawa kasoo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero loogu muujiyay laguna bogaadiyay doorka hogaamineed  ee Ra’isul Wasaare Rooble gaar ahaan waajibaadka Amniga Qaranka iyo talaabooyinkii uu qaaday.

Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweesay go’aankii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin,  waxa ayna Puntland talaabadaasi ku tilmaantay mid sharciga waafaqsan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Caawa kasoo baxay Puntland

Maamulka  Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.

Maamuka Puntland waxuu kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale, maamulka Puntland waxuu soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka.

Maamulka Puntland waxuu ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.