Home Afsomali Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay

Puntland oo Ciidamo kala dhex-dhigtay maleeshiyaad dagaalamay

Waxaa Maanta gaaray degaanka Xero Jaalle oo kamid ah degaannada Gobolka Mudug Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdishire ayna qeyb ka yihiin Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna ku Simaha Guddoomiyaha, Guddoomiyaasha Degmooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo, Taliyeyaasha Ciidama Booliska & Daraawiishta Gobolka Mudug.

Ujeedka safarkooda ayaa waxaa la sheegay in uu ku qotomo arrimo la xiriiro Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha Deegaameynta Dhulka, kaas oo dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed oo degaanka ku wada sugan.

Mas’uuliyiinta isugu jira Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii dagaalamay, iyaga oo kala dhex-dhigtay ciidamo Boolis ah oo suga amniga degaanka si markale aan loogu dagaalamin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa kulamo waxaa ay la qaateen odayaasha dhaqanka labada maleeshiyo beeleed, iyaga oo ka wada hadlay sidii si deg deg ah loogu dhameyn lahaa colaada soo laab laabatay, si dadka degaanka ay nabad ugu wada noolaadaan.

Degaameynta  Dhulka ee degaanka Xero Jaalle ee Gobolka Mudug oo ay shaqaaqada ka dhacday ayaa waxaa horay u joojiyay Maamulka Puntland, iyaga oo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid alaala ciddii isku dayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.