Home Afsomali Puntland oo dib u eegeyso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka

Puntland oo dib u eegeyso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey shirka wadatashiga ee  ka furmay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin khilaafka dowladda Federaalka & Maamulka Puntland oo aan weli xal laga gaarin.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay xooga saartey in xal laga gaaro khilaafkaas iyo in xa loo helo caqabadaha goonida u ah Puntland,hayeeshee qorshahaas uu fashilmey ayna mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan xooga saarnay in xal laga gaaro khilaafaadka u dhaxeeya DF & Puntland ,waxaana ka hadalnay arrimaha caqabadaha nagu ah,balse wax walba waxaa ay ka socon waayeen Madaxda dowladda Federaalka oo hareer maray qorshihii lagu dhisey dowladda iskuna dayay inay awooda dhan qaataan ayuu yiri”Siciid Deni.

Sidoo kale isaga oo kasii hadalayay xiriirka sii xumaanaya ee weli u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka & Maamulka Puntland ayuu sheegay in Puntland ay dib u eegeyso xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka,isla markaana aysan ogolaaneyn in dolwaddu ka leexato Mabaadii’dii lagu asaasay dawladda Faderaalka markhaatina ay ka noqdaan wxyaabaha dhacaya.

Tan iyo markii uu bilaawdey khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Maamulka puntland ayaa Madaxweynaha Maamulkaas,waxaa uu eedeyn u jeedinayay Madaxda Dowladda Federaalka,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.