Home Afsomali Puntland oo dowladda Norway kala hadashay u gurmashada dadka ay saameeysay Abaarta

Puntland oo dowladda Norway kala hadashay u gurmashada dadka ay saameeysay Abaarta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Safaaradda Dalka Norway ay ku leedahay Dalka Kenya sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga oo Puntland u tegay kormeerka mashaariicda ay maalgeliso Dowladda Norway ayaa Wasiirka waxay ka wada hadleen xaaladda abaarta iyo u diyaar garawga mustaqbalka ee sidii loo yareyn lahaa saameynta abaarta iyo cunto yarida.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga wada hadlay barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo doorka Dowladda Norway ee dhaqaalaha hirgelinta doorashooyinka degmooyinka ee hal cod iyo hal qof.

Kulanka waxaa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Aw-Yuusuf.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Wafdiga iyo guud ahaan Dowladda Norway taageerada ay la garab taagan tahay Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.