Home Afsomali Puntland oo gacanta ku dhigay rag hubeysan oo ka Ganacsanayay maanka dooriye

Puntland oo gacanta ku dhigay rag hubeysan oo ka Ganacsanayay maanka dooriye

Ciidanka Booliska Puntland ayaa  hawlgal qorsheysan xalay ku qaaday kooxo ka Ganacsanayay maandooriye, kuwaas oo Boolisku sheegeen inay faraha kula jireen dambiyo culus oo la xiriira ka ganacsiga daroogada oo qeyb wayn ka ahaa falal burcadnimo iyo Amni darro oo muddooyinkii la soo dhaafay ka jiray magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

War kasoo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay saddex ka mid ah burcada,kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen iyo hal mid oo nolosha lagu qabtay,hubkoodii iyo Gaari ay ku wateen khamri , kuwaas oo dhamaantood ahaayeen Dabley hubaysan oo geysta falal amni darro.

Sidoo kale hawlgalku intii uu socday waxay dhaawacyo soo gaareen labo ruux oo midkood yahay Askari katirsan ciidamada booliska iyo Qof rayid ah oo ah Haweenay,waxaana haatan lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland ayaa balanqaaday in dhib kasta oo kayimaada xoojinta iyo sii socoshada hawlgalka lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug leh amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista uu hawlgalka si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijo wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.